21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Maxamuud Xaashi oo xil ka qaadis iyo xil magacaabid reer Awdala sameeyay

Maxamuud Xaashi ayaa xil ka qaadis iyo xil magacaabid reer Awdala sameeyay. Waxa uu xilkii ka qaadey Cali Xaamud Jibriil oo ahaa xiriirka goleyaasha kuna bedelay Axmed Xaaji Daahir Cilmi.

Warqada ayaa sidan u qorneyd laguna sheegay in Siilaanyo xilka qaadista sameeyay

Ku: Mudane, Cali Xaamud Jibriil
Wasiirkii Hore Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo
Technology-yada
Ujeeddo: Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan kaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka qaranka ee Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Technology-yada. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.



Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaa, waxaanan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi oo aan xilkaa u soo magacaabay.

Magacaabista Madaxweynaha ee Wasiirka Cusub.

Madaxweynuhu:



Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Xaaji Daahir Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL.