21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada Somaliya oo gudaha u galaysa xarunta Xalane ee ka caagan Somalida

Dawlada Somaliya ayaa gudaha u galaysa xarunta Xalane ee ka caagan Somalida. Xaruntan ayaa looga taliyaa dalkoo dhan waana goobta laga hago siyaasada dalka min Saylac ilaa Raaskambooni. Waxa goobtan degan dad ayna dawladu ka war heyn iyo fiisaha ay dalka ku joogaan.



Waxay dowladda wadataa diiwaan weyn oo ay ku dooneyso iney ku ogaado dadka saxda ah ee ku jira Xerada Xalane, sababta ay u joogaan, waxay qabanayaan, xilliga ay yimaadeen, xilliga ay baxayaan, dib u eegista fiisahooda iyo arrimo kale.



Sidoo kale shirkadaha ku sugan Xalane oo canshuurta ku waajibtay ayaa la  kulmi doona ganaac iyo lacag adag, maadaama muddo badan aanay bixin canshuurta dalka.

Waxaa kaloo la filayaa in dawladu ay ajaaniibta Soomaalida ka riixeysa Xalane ay la hadasho, sheegtana shaqo walbo oo Soomaali qaban karo in Xalane aanay cid kale ka qaban karin.



Shirkadaha shisheeye iyo hay’adaha ku sugan Xalane ayeey dowladda u sheegi doontaa iney shaqaaleysiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS