21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Saylici oo qarsoodi kaga baxay Hargeysa iyo muran soo kala dhexgalay isaga iyo Maxamuud Xaashi

Saylici oo qarsoodi kaga baxay Hargeysa iyo muran soo kala dhexgalay isaga iyo Maxamuud Xaashi. Maxamuud Xaashi ayaa eryay Cali Xaamud Jibriil oo ahaa gacanyaraha Saylici tasina ugu weyn tahay muranka jira.

Warar soo ifbaxaya ayaa sheegaya in Saylici tirsanayo in aan waxba laga ogaysiin oo aan lagu ixtiraamin wasiirka gacantiisii midig ahaa ee  laysku  tirin jiray, halka taa badalkeeda xataa aan sidda uu tirsanayo loo sheegin cidda booskan buuxinaysa oo  laga dhigay wasiir aanay isku calool fayoobayn Saylici  oo ah Axmed X Daahir Cilmi wasiirkii hore ee warfaafinta wakhtigii Xukumaddii Daahir Riyaale.



Waxaa aad loo hadal hayaa in uu dibadda u soo wadda baxo oo uu xoogaysto is-maandhaaf ka dhalan kara xil ka qaadista Wasiirkii hore ee Xidhiidhka Golayaasha oo Madaxwayne Siilaanyo aanu waxba kala socon xilka qaadistiisa.



Halka wararka qaar sheegayaan in uu arinka dabadda ka riixayay wasiirka madaxtooyadda taasina aya tahay sababta uu Saylici aad ugu biyo diiday.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS