Sawiradii u dambeeyay saldhiga milatari ee Shiinuhu ka samaystey Jabuuti. Shiinaha ayaa ah dawladii afraad ee saldhig milatari ka samaysata Jabuuti oo ay ka soo galaan lacago farabadan inkastoo hadana aan la arag lacagtaas halka ay marto.
Shiinaha ayaa billaabay dhismaha saldhigan sanadkii la soo dhaafay. Shiinaha ayaa sheegay in saldhigaas uu gacan ka gaysan doono nabad ilaalinta iyo gargaarka banii’aadannimo ee Afrika iyo Galbeedka Aasiya.
Waxaa kale oo saldhigaas loo adeegsan doonaa is kaashi milatari, dhoolatuska ciidamma badda iyo hawlaha samato bixinta, sida ay ku warrantay Xinhua oo ah wakaaladda wararka ee Shiinaha.
Waa markii ugu horreysay oo Shiinuhu uu saldhig milatari ka sameysto dibadaha.
Inkastoo jabuuti uu yahay dal yar , waxaa haddana saldhig milatari kol hore ku lahaa Maraykanka, Japan iyo Faransiiska.





C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay