November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Dawlada Somaliya oo ka baxdey heshiisyo gaar ah oo hore loo saxiixey

Dawlada Somaliya ayaa ka baxdey heshiisyo gaar ah oo hore loo saxiixey. Wareegto ka soo baxday Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ku socotay dhammaan wasaaradaha lana ogeysiiyay, madaxweynaha, R.wasaaraha iyo Hanti dhowrka.



Sidoo la ogeysiiyay xisaabiyaha guud iyo hay’ado kale ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo 31 July 2017 ay xukuumadda ka baxday heshiisyadii ay kula jirtay shirkdaha gaarka ah, waxaana la faray waaxda canshuuraha wasaaradda Maaliyadda inay la wareegto shaqooyinkii ah hayeen shirkadaha gaarka ah.



Amarkan ayaa ah kii ugu weynaa ee xukuumadda Soomaaliya ay qaadato, iyadoo aan la ogeyn sida loo fulin doono, inkastoo laga reebay shirkadaha maamulka Garoonka diyaaradaha iyo Dekadda weyn ee Muqdisho.

ku dhowaad 20 shirkadood ayay dowladda Soomaaliya heshiis kula jirtaa iyagoo qabta shaqadii ay qaban lahaayeen wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS