Xildhibaan ka badbaaday weerar lagu qaaday gaadhigiisa magaalada Muqdisho. Rag hubeysan ayaa goor dhow waxay weerareen gaari uu la socday xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabo Xuseen Cali Xaaji.
Wararku waxay sheegayaan in raggan ay wateen gaari yar, islamarkaana ay ku hor jareen gaariga uu xildhibaanka saarnaa, kadibna ay rasaas ku fureen.
Xildhibaanka waa uu ka badbaaday weerarkaasi, waxaana ku dhaawacmay darawalkiisa, kaasi oo hadda la geeyey mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.
Weerarada noocana ee lagu xasuuqayo dadka ayaa waxa gaysta argagixisada shabaab oo dilalka noocana iyagu u arkin wax weyn laakiin sheegta kuwa xasuuqa farabadan ay gaystaan si ay ugu faanaan in ay welli jiraan xasuuqana wadaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay