Somali lagu diley deegaanka Hawadaay ee ismaamulka Oromada Itoobiya. Sida wararka aan ku helayno Somalida la diley ayaa ahaa dad ganacsato ah oo ku noolaa deegaankaas sanadadii la soo dhaafay.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in dilkaasi oo gaaraya 17 qof ay gaysteen maleeshiyo ka tirsan dawlad deegaanka Oromada. Hawadaay ayaa ka mida deegaanada lawada degan yahay waana dhulka Qaadka looga keeno deegaanada Somaliland.
Dadka la dilay ayaa xilligaa ku sugnaa goobaha ay qaadka ku kala shaandheeyaan waxayna isugu jireen noocyada kala duwan ee shaqaalaha qaadka.
Wararka ayaa sheegaya in ay ka soo jeedaan badankoodu deegaanada Harawo ee Woqooyi bari ismaamulka Somalida. Dawlad deegaanka Somalida ayaa xaqiijiyay warka dilkan.
Dhacdadan ayaa saamayn ku yeelatay qaadleyda Hargeysa oo iyagu waayay cid ay lacagtooda u diraan si qaad u soo iibsadaan.
Oromada ayaa la sheegay in ay ka cadhaysnaayeen taageero Somalidu u muujisay dawlada Itoobiya markii Oromadu kacdoontey sanadii hore.
Sanadadii lasoo dhaafay ayaa waxa jiray dagaallo u dhaxeeyay dowlad degaanada Soomaalida iyo Oramada ee dalka Itoobiya.
Waxa na soo gaaray qaar ka mida magacyada dadka Somalida ee lagu xaauuqay goobtaas waxayna kala yihiin sidan. Raaligelin ma hayno magacdooda buuxa laakiin waa sidey nagu soo gaareen.
Aan is dilno
Axmed Faraqe
Cabdiqaadir Aadan Xasan.
Cismaan Cawdal.
Guuleed Hambase.
Cabdillaahi Fadhaase
Warbixintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay