November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Carwada bandhiga buugaagta oo Muqdisho ka furmey iyo dadka ka soo qaybgalay: SAWIRO

Carwada bandhiga buugaagta ayaa Muqdisho ka furmey. Carwada buugaagta ayaa hadda noqotey sanadle maraysana sanadkii Sadexaad ee lagu qabto Muqdisho.

Waxaa kasoo qayb galay dhalinyaro iyo dad magac ku leh bulshada oo soo bandhigi doona buugaagta ay qoreen. Waxa kale oo ka qaybgalay dad shacaba oo iyagu aad u daneeya buugaagta la keeno.


Magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ayaa iyagana laga bilaabay carwooyin buugaag ah. Somalida ayaa ah dad maqalka ku fiican laakiin aan ku fiicneyn dhinaca qorida oo dhaxalgal u noqon kara dhalinta beri.



Lama garan karo in carwooyinka buugaagta laga faaiidey iyo in kale xilli dalku ku jiro burbur xoogan oo laysku dayayo in la dhiso dhinac walba.



Sawirada waa Cali Ducaale

ARAABINEWS