Xaalad cabsi ayaa soo foodsaartey Oromada ku nool Somaliland xilli daraad xasuuq foolxun loogu gaystey deegaanka Hawadaay iyo deegaanada u dhow Somali qadley ah oo aan waxba galabsan.
Xasuuqaas ayaa waxa cambaareeyay ismaamulka Oromada kuna tilmaamey wax aan loo dulqaadan Karin, balana qaaday in ay soo qabanayaan dadka falkaas gaystey.
Oromada ayaa durba dareemay dhaqaale xumo ayagoo badankoodu ku xiran Somaliya guud ahaan qaasatan waxa waxyeeladu soo gaartey dadka iyagu beerta qaadka.
Waxa jirtey shalay iyo manta qaad yaraan magaalooyinka Somaliland qaarkood. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in ciidanka Somaliland dileen laba Oromo ah oo isku dayay in ay baxsadaan kadib markii ay arkeen goob xanibaada oo ku taala duleedka Hargeysa.
Oromo aad u farabadan ayaa ka shaqaysta dhamaan Somaliya oo dhan waxayna qabtaan shaqooyinka Somalidu ka kibirsan yihiin laakiin ay qabtaan markey qurbaha tagaan.
Cabdulaahi waa nin Oromo oo ka shaqaysta guryaha magaalada Hargeysa waxaan wax ka weydiinay waxa ka dhacay Hawadaay wuxuuna yiri ma maqal hadase waxaad I geliseen walaac iyo cabsi.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay