21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Ganacsatada qaadka ee Somaliland oo joojiyay qaadkii Oromada iyo dilal cusub oo dhacay

Ganacsatada qaadka ee Somaliland ayaa joojiyay qaadkii Oromada iyo dilal cusub oo dhacay xadka u dhexeeya deegaanada Somalida iyo kuwa Oromada. Joojinta qaadkii ka imanayay deegaanada Oromada aya timi kadib xasuuq gaaraya 43 qof oo ka dhacay deegaanka Oromada ee Hawadaay.



Oromada ayaa waxa qaadkan ka soo geli jirey boqolaal kun oo doolar cad ah. Magaalada Hargeysa ayaa maanta ayna imanin wax qaada oo ka yimaada dhulka Oromada, waxana soo degay qaadkii Kiiniya.

“Waxa weeyaan dad Soomaaliyeed baa lagu laayay kilinka Oromada, waxay dileen 43 qof oo ka ganacsanayay Qaadka, sanado badan ayaan ganacsi laheyn, laakiin Oromo dambe Ganacsi lama yeelan doono.” Ayay yiraahdeen qaar ka tirsan Ganacsatada.

Qaadka Miirooga ee laga keeno dalka Kiiniya ayaa waxa uu mamnuuc ka ahaa magaalooyinka waaweyn ee Soomaaliland, laakiin maanta waxa uu si toos ah uga soo degay Garoonka Diyaaradaha magaalada Hargeysa.



Dhinaca kale dawlad deegaanka Somalida Itoobiya ayaa sheegtay in Somali kale lagu xasuuqey xadka u dhexeeya dawlad deegaanada Somalida iyo Oromada ayna dileen ciidamada Oromadu isla markaana askar u dileen.

Xasuuqan cusub ayaa waxa ku jira haween taas oo dad badan ka xanaajisey. Ilaa hadda lama garanayo kooxda dilkan u badhaadhey Somalida iyo ujeedada ay leeyihiin.



“Dhimasho aad u fara badan ayaa jirta, boqolaal ayay gaarayaan dadka dhintay, hanti badana waa ay ku bur burtay, maadaamaa waxa shaqadan fulinaya uu ciidan yahay, dad badan ayaa ku naf waayay”. Ayuu yiri Wasiir Maxamed Bille.

Warbixintii Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS