21/11/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Imaaraadka oo lacag ugu deeqay dawlada Somaliya iyo cadadkeeda

Imaaraadka ayaa lacag ugu deeqay dawlada Somaliya iyo cadadkeeda. Imaaraadka aoo la safan Salafiga Sucuudiga ayaa tartan kula Turkiga rabana in uu Somaliya oo gaajo kala iibsado.

Sanduuqa hormarinta Abu Dubay ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya uu siinayo lacag dhan AED330 Million oo u dhiganta ($89.8 million)

Taasi oo uu sheegay in uu uga qeyb qaadan doono hormarka ka socda Soomaaliya. Lacagtan uu Sanduuqa hormarinta Abu Dubay ugu deeqay Soomaaliya ayaa kor loogu qaadayaa dhinacyada dhaqaalaha, beeraha, amniga, caafimaadka, biyaha iyo waxyaabo kale.



Sidoo kale Sanduuqa hormarinta Abu Dubay ayaa waxa uu sheegay in marwalba ay diyaar u yihiin in ay taageeraan shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed, oo hada ku jira xaalado adag, loona baahan yahay in garab la siiyo.



Masuuliyiinta Sanduuqa ayaa sheegay in mashaariic hormarineed ay horey uga fuliyeen dalal badan oo ku yaalla Afrika, kuwaasi oo ku jira xaalada koriimada.

Lama sheegin halka lacagtan la marin doono wax ka tari doono mashaariic gaaban.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS