November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Faahfaahin ka soo baxaysa haweenay argagixisadu ku dileen gobolka Banaadir

Faahfaahin ka soo baxaysa haweenay argagixisadu ku dileen gobolka Banaadir. Argagixisio ku hubeysneyd Bastoolado ayaa la sheegay in Haweeneyda ay ku dileen Agagaarka xarunta degmada Xamar Jajab kadibna ay goobta ka baxsadeen sidii caadiga ahayd.

Argagixisada ayaa gaaleeyay Muslimiinta kadibna xalaashadey dhiigooda iyo maalkooda. Dhiiga iyo maalka waan ognahay halka diinteena macan ka taagan tahay.



Haweeneyda la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Foos Maxamed Xuseen, isla goobta ayayna ku geeryootay, sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogeyaala.

Haweenaydan ayaa la sheegay in ay agagaarka degmada ka xoogsan jirtey inkastoo wararka qaarna sheegayaan in ay ka shaqayn jirtey degmada.



Ciidamo hubeysan ayaa goobta soo gaarey welina waxa socda baaritaan. Argagixisada oo looga adkaadey isqarxintii ayaa hadda bilaabey dilal qarsoon waxa la filayaa in ay yihiin isla kooxdii shalay weerartay taliyaha NISA.



Argagixisada ayaanan sheegan dilalka yaryarka sida dilkan oo kale una arkin wax weyn kamana xishoodaan caruur, haween iyo ciroole.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS