November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Barlamaanada IGAD oo shir soo ku soo xidhey dalkaasi Suudaan: SAWIRO

Barlamaanada IGAD ayaa shir soo ku soo xidhey dalkaasi Suudaan oo uu baryahan uga socdey.

Shirkan Somaaliya waxaa uga qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalle Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo.



Waxyaabaha shirkan looga hadlay waxaa ka mid ahaa amniga Wadamada IGAD, Tahriibka Dhalinyarada, Cimilada iyo Saadaasha Hawada Waddamada IGAD iyo Gudniinka fircooniga ah.

Shirkan oo ahaa midkii 9-aad ayaa Gaba gabadiisa waxaa laga soo saaray war-murtiyeed qeexaya qaabka lagu dhimi karo mushkiladaha ka jira wadamada Urur Goboleedka IGAD ee dhaca Bariga Afrika.



C/llahi Warmooge

ARAABINEWS