Culimada Koofurta Somaliya ayaa war ka soo saaray nin lagu eedeeyay in uu rasuulkeena SCW u gafey. Ninkan oo shalay la soo wariyay in lagu xirey Puntland ayaa dadka Somalidu si xun uga xumaadeen.
Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed Sheekh bashiir Axmed Salaad ayaa codsaday in ninkaasi sharciga la marsiiyo,maadaama uu sameeyay fal ka baxsan diinta Islaamka.
Culimadda Soomaaliyeed ayaa Bayaan ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in ninka lagu Magacaabo C/wali Sheekh Cali Cilmi uu u Gafay Nabigeena Muxamed NNKH islamarkaana uu yahay Nin ka baxay Diinta Islaamka,waxaana ay Cambaareeyeen Falkaasi Foosha Xun.
Culimada ayaa ugu baaqay Maamulka Galmudug in ay Sharciga horkeenaan Ninkaan u Gafay Xabeebkeena Muxamed Naxariis iyo Nabad Gelyo Korkiisa ha ahaatee.
C/llahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay