20/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Deg deg: booliiska Dila ee Awdal oo toogasho ku diley taageere ka tirsan xisbiga Wadani

Booliiska Dila ee Awdal oo toogasho ku diley taageere ka tirsan xisbiga Wadan.

Dhacdadan ayaa timi ayadoo uu Dila soo gaaray wafdi ka socda gudoomiyaha xisbiga Wadani C/raxmaan Ciro oo si aada loogu soo dhaweeyay. Xisbiga Kulmiye ayaan ku faraxsanayn imaatinka Ciro ee gobolka.



Waxa dadku sheegeen in taageerayaal Hargeysa laga keenay ay ku soo dhex dhuunteen dafka shacabka iskuna dayeen in ay arbushaan soo dhaweynta taas oo keentay in booliisku rasaas iska furo.

Booliiska Somaliland ayaa lagu yaqaan in ay rasaasta iska furan ayadoo ayna jirin meel loo raaco cida dilka gaysatey.



Waftiga C/raxmaan Ciro ayaa hadda gaaray Boorama oo si xooga loogu soo dhaweeyay. Booliiska Somaliland weli kama hadlin dilkan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS