Galmudug ayaa ku kala jabtey go’aan uu saaray madaxweynaha maamulka Xaaf oo ahaa in uu kahor yimi go’aanka dawlada dhexe ee ah in ay dhexdhexaad ka yihiin urur diimeedyada Carabta ee ishaysta.
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Guddoomiye ku xigeenka ayaa Qoraal wadajir ah oo ay ka soo saareen Cadaado waxay kaga soo horjeesteen go’aankii xalay ka soo baxay Madaxweyne Xaaf, kaas oo lagu taageerayay xulufada Sacuudiga.Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in aanan lagala tashan warqadii ka soo baxday Madaxtooyada maamulka Galmudug ee uu ku saxiixnaa Madaxweyne Xaaf.
Warka qoraalka ah ayaa waxay ku sheegeen in Galmudug ay ku mowqif tahay dawladda Dhexe, ayna taageerayaan dhex dhexaadnimadii ay ka qaadatay Khilaafka Khaliijka.
Sidoo kale masuuliyantan ayaa warqada ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in aysan jirin meel heerarka maamul ee Dawlad goboleedka Galmudug go’aan uga gaaray war-murtiyeedka warbaahinta lagu faafiyay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay