03/05/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxwynaha HirSHabeele oo u qeexay maamulada kale doorka dawlada dhexe

Madaxwynaha HirSHabeele ayaa u qeexay maamulada kale doorka dawlada dhexe. Sharaxaadan uu bixiyay Waare ayaa timi markii maamul jufeedyada kale ee arkaya awooda dawlada ay taageereen Sucuudiga.



Sucuudiga ayay ka filayaan in uu bixiyo xaqal jeeb ku aadan taageerada ay bixiyeen. ”“Xiriirka Caalamiga ah waxaa iska leh Dowlada Dhexe doorka uga furan maamul goboleedyada waa talo bixin waa farsamo waa danahooda iyo mashaariicdooda ay soo gudbiyaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.



Sidoo kale Madaxweyne Waare ayaa ku taliyay in la dhowro dastuurka dalka u yaala oo qeexaya awoodaha Dowlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada ay kala leeyihiin.

“Waxaa lagu heshiiyay dastuur weli qabyo ah, dastuurkana waxa uu qeexayaa masuuliyada ay leedahay dowlada dhexe,waxa kale oo uu qeexayaa awoodaha ay leeyihiin Maamul Goboleedyada.” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS