November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Khilaafka maamulka Cadaado oo sii xoogeystay iyo wararkii u dambeeyay

Khilaafka maamulka Cadaado ayaa sii xoogeystay iyadoo madaxweynaha maamulkaasi oo aan dhaafi karin Cadaado eedeeyay dawlada Somaliya asagoo jooga Imaaraadka.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda maamulka Galmudug ayaa sii xoogeystay ka dib Markii Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay sheegeen in ay Xabsi guri ku jiraan .



Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Mudane Cali Gacal Casir ayaa sheegay in lagu wargeliyay Muddo Shan Maalin ah in ay ku jiri doonaan Xabsi guri,islamarkaana aysan ka bixin doonin Cadaado.



Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa ku baaqay in Madaxweyne Xaaf uu horyimaado Baarlamaanka si Su’aallo looga weydiiyo Go’aankiisa ku aadan taageerada Xulufadda Sucuudiga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS