13/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Qiimeynta baasaboor Somaliga oo khuburo u imanayso Somaliya

Qiimeynta baasaboor Somaliga ayaa khuburo u imaan doontaa Somaliya. Waxa sidaas sheegay agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).



Sidoo kale Maxamed Aadan Jimcaale ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan soo dhaweynta xubnahaasi, wixii ka dambeeyana ay ka marqaati kici doonaan sida uu u shaqeeyo Baasaboorka Soomaaliga.



Maxamed Jimcaale ayaa ka hadley fududeynta baasaboor Somaliga ayadoo ay jirto cabasho xoogleh oo ku aadan helida baasaboorka. ”Waxaan furaynaa xarumo cusub oo laga qaato baasaboorka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS