November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gacanyarehii Saylici wasiir Cali Xaamud oo iska casiley xil Muuse Biixi u magacaabay

Gacanyarehii Saylici wasiir Cali Xaamud ayaa iska casiley xil Muuse Biixi u magacaabay oo ah guddiga doorashada ee xisbiga Kulmiye ee Awdal. Cali Xaamud ayaa ka xanaaqdey tirada yar ee Muuse Biixi ku soo tuurey xisbi uu u soo xiiqey.



Saylici ayaan la ogeyn in uu la qabo arintan Cali Xaamud ku kacay oo sii burburineysa tirada yar ee Muuse Biixi ka rajaynayo in uu ka helo gobolka Awdal guud ahaan.



WArarka kale ayaa sheegaya in Cali Xaamud rabey in boos looga dhigo guddiga doorashada taas oo dad badani diideen. Lama garan karo in xisbiga Wadani soo dhaweyn doono.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS