Soomaali loo qabtey weerar argagixiso oo ka dhacay dalkaasi Kanada. 30 sano jir Soomaali ah laguna magacaabo Cabdullahi Shariif ayaa booliisku qbteen weerarka ayaa waxa ku dhaawacmay ilaa shan qof.
Cabdulahi Shariif oo ka mid ah dadka soo galootiga ah ayaa laamaha amnigu sheegeen inuu ku lug lahaa weerarka oo lagu dhaawacay Askari booliis ah iyo dadkale, markii lagu weeraray gaari dad ku sugan meel wadada ka baxsan.
Laamaha amnigu waxay sheegeen in gaariga weerarka lagu fuliyey laga helay calanka madow ee argagixisada sidaasi darteedna ay arrintan u qaadanayaan mid Argagixiso, waxaana weli socda baaritaano.
Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau oo arrintan ka hadlay ayaa ku tilmaamay weerar argagixiso, cidii ku lug yeelatana sharciga la marsiin doono.
Saraakiisha magaalada Edmonton ayaa sheegay in ninka la tuhunsan yahay uu wajihi doono eedo Argagixiso iyo kuwa dil, iyaga oo sidoo kale tilmaamay in ninkan ay booliisku garanayeen.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay