November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Madaxweyne Farmaajo oo saxiixay sharci muhiima: SAWIRO

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa maanta saxiixay Xeerka Isgaarsiinta ee dalka oo ay horay u soo ansixiyeen Golaha shacabka ,Aqalka sare iyo Golaha Wasiiradda.

Xeerkaan ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay u aragtaa in uu  muhiim u yahay dhaqaalaha dalka iyo sidoo kale soo celintii hantidii Isgaarsiinta Qaranka.

Waxaa soo diyaarisay Sharciga Maanta uu qalinka ku duugay Madaxweyne Farmaajo Wasaaradda Boostadda iyo isgaarsiinta Soomaaliya.



Madaxweynaha ayaa Xeerkaan Saxiixay ka dib Munaasibad maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho islamarkaana ay ka qeyb galeen Madaxweynaha,Guddoomiyaha aqalka sare iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta.



Sharciga Isgaarsiinta ayaa muddo fog hor-yaalay Baarlamaanka, iyadoo marxalado kala duwan soo maray, hase ahaatee Baarlamaanka 10aad ayaa ku guuleystay inuu meel mariyo sharcigaan.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay Munaasabada uu ku saxiixay sharcigan ayaa sheegay in sharcigan aanu wax sahlan aheyn, isla markaana shaqo aad u fara badan la geliyay, waxaana uu u mahadceliyay dhinacyadii gacanta ka geystay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS