21/01/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Puntland oo Axmed Madoobe ka diidey inay ugu tagaan Kismaayo: MAQAL

Puntland ayaa Axmed Madoobe ka diidey in ay ugu tagaan Kismaayo kagana qaybgalaan shir uu ku baaqay ayadoo maamulka Axmed Madoobe isku diyaarinayay fidinta gogosha.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo saxaafada la hadley ayaa sheegay in wax dan ah ku jirin tagida Kismaayo isla markaana ay muhiim tahay in madaxdu xaliyaan khilaafyada dhexdooda ah.



”Waa in layskugu yimaadaa Muqdisho si buu yiri loo xaliyo khilaafka madaxda dhexdooda ayuu yiri Camey.

Talaabadan Puntland ayaa loo arkaa mid ay Axmed Madoobe uga aargoosanayaan xulufonimadii uu uga baxay ee ku salaysneyd Daarood ahaan mana dhici doonto in Axmed Madoobe wax la wadaago Puntland.




Puntland ayaa iyadu qabta in Axmed Madoobe dhegeysto maadaama maamulkoodu ka horeeyay, waxase yaraatey xanantii ay ka qabeen Muqdisho qaasatan madaxda Hawiye.




Hoos ka dhegeyso Camey.




C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS