Muuse Biixi ayaa magacaabay guddi lagu sheegay guddiga diyaarinta iyo muraabiqiinta ee xisbiga Kulmiye. Qoraal uu Muuse Biixi soo saaray ayuu inadeerkii uga dhigey horjooge kuna saleeyay sida shirarka ay la galaan Koofurta Somaliya.
Ujeeddo: Magacaabista Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE.
Xisbiga KULMIYE isaga oo aqoonsan muhiimadda ay Muraaqibiinta Xisbigu u leeyihiin hufnaanta Doorashada Madaxtooyada ee soo socota, waxa uu magacaabay Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE. Xubnaha Guddida Diyaarinta iyo Maamulka Muraaqibiinta Xisbiga KULMIYE waxa ay kala yihiin:
- Cabdicasiis Maxamed Samaale – Guddoomiye
- Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan – Guddoomiye Ku Xigeen
- Cabdikariim Axmed Maxamed
- Ibraahim Daahir Dubad
- Axmed Muumin Seed
Guddidani waxa ay masuul ka yihiin diyaarinta, tababarka iyo maamulka muraaqibiinta iyo goob-joogayaasha Xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo ay masuul ka yihiin adeegsiga farsamada cariga ah ee IT-ga iyo xog ururinta (Data Collection).
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay