08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Shirkii Kismaayo ee maamul goboleedyada Koofurta Somaliya oo dib u dhacay iyo sababta

Shirkii Kismaayo ee maamul goboleedyada Koofurta Somaliya ayaa dib u dhacay sida wararka ka imanaya Kismaayo ay sheegayaan. Shirkan oo waqti lumis ahaa ayaa la sheegayaa in uu dib u dhacay.



Wararka hadda nasoo gaarayo ayaa sheegayo inuu shirkaas baaqday kadib markii madaxdii Maamul Goboleedyada ee Hirshabelle, Galmudug iyo Puntland ay gaari waayeen Magaalada Kismaayo.



Waxaa jiro warar sheegayo inuu kulankaas u baaqday arrimo xagga diyaaradaha isla markaasna ay madaxda Maamul Goboleedyada heli waayeen diyaarad ay usoo raacaan Kismaayo.

Axmed Madoobe Ayaan si rasmi ah uga hadlin dib u dhaca shirkaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS