08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Jeneraal Cirfiid oo booqdey deegaanka Bariire ee Shabeelaha hoose lana hadley ciidanka

Taliyaha ciidanka xooga dalka Jeneraal Cirfiid ayaa booqdey deegaanka Bariire ee Shabeelaha hoose lana hadley ciidanka halkaasi ku sugan oo baryahan weeraro ay uga imanayeen argagixisada.



Jeneraal Cirfiid ayaa u sheegay ciidanka in halkan layska fadhiyi doonin oo dhawaan la qaadi doono dagaal saf balaadhana oo argagixisada looga sifeynayo dalka.



Saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa taliyaha kusoo dhaweeyay degaanka Bariire ee Shabeelaha Hoose, waxaana uu tagay Saldhigga Ciidamada dowladda ee halkaasi ku yaalla.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS