08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Gudoomiye xigeenka barlamaanka Galmudug oo ku jira xabsi guri

Gudoomiye xigeenka barlamaanka Galmudug ayaa ku jira xabsi guri sida aan wararka ku helayno. Ciidan daacad u ah horjooge Xaaf oo xilka laga tuurey ayaa la sheegay in ay amreen in xabsi guri la dhigo gudoomiyaha.

Xabsiga Gudoomiye xigeen Maxamed Aadan Macalin ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay qaar kamid ah xildhibaanadii sheegay inay xilka ka qaaden horjooge Xaaf.



”Waxa igu hareeraysan ciidan uu soo direy horjoge Xaaf oo xilka laga qaadey ayuu sheegay gudoomiye Macalin oo la hadley idaacadaha Muqdisho



Maaha markii ugu horeysay ee horjoogaha laga eryay maamulka Cadaado uu isticmaalo hanjabaado noocana. Dowlada Somaliya ayuu ugu baaqay inay qaado talaabo lid ku ah horjoogihii hore.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS