20/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada oo war ka soo saartey webiga Shabeelle ee fatahay

Dawlada ayaa war ka soo saartey webiga Shabeelle ee fatahay. Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Saalim Caliyow Ibroow ayaa sheegay in ay u qorsheysan tahay dayactir.


“Wasaaradda qorshaha waxaa ugu jira in dayactir weyn lagu sameeyo Wabiyada, in la soo nooleynayo biyo xireenada, Wasaaradaha mataanaha nala ah ee Dowlad goboleedyada waan u sheegnay.” Ayuu yiri Wasiir Ibroow.



Wabiga Shabeelle ayaa dhowaan fatahaad ka sameeyay tuulooyin hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi oo khasaare u geystay Beeraleyda ku nool hareeraha Wabiga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS