November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maalinta calankeena oo loo dabaaldegay iyo qiimo yeelan maayo hadayna midnimo jirin: RW

Maalinta calankeena oo loo dabaaldegay iyo qiimo yeelan maayo hadayna midnimo jirin waa hadalkii RW Somaliya Xasan Cali Kheyre oo xalay ka qaybgalay munaasabada calankeena.
Xafladda oo si weyn loo agaasimay ayaa waxaa khudbado ka jeediyay Madaxda Dawladda oo ka hadlay qiimaha maalintaan ay leedahay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray hindisidda in calan Soomaaliyeed laga taago dhulka Soomaalida.



Ra’isul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa munaasabadda ka sheegay in halgan badan loo soo maray calankan maanta xuskiisa la jooga, isla markaana loo baahan in laga ilaaliyo wax walba oo sharafkiisa wax u dhimaya.

“Calanku wuxuu astaan u yahay qaranimadeena, jiritaankeena, wadajirkeena, wuxuu astaan u yahay inaan nahay dal xor ah. Calanku qiimo yeelan maayo haddii midnimo la waayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.



“Waxaa dhamaaday waqtigii la niyad jabi jiray, caawa madaxda idin hor-taagan ma ahan kuwii niyad jabi lahaa, dadka iyo dawladda Soomaaliyeed horay ayay u soconayaan, gadaal uma noqonayaan” ayuu raaciyey Ra’iisul Wasaare Khayre.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS