08/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Dawlada oo casuumad u dirtey maamulada Koofurta ee taagta daran

Dawlada ayaa casuumad u dirtey maamulada Koofurta ee taagta daran. Casuumadan ayaa timi markii maamulada Koofurta oo qaarkood booska laga tuurey ay ku shireen Kismaayo.



Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa sheegay in casuumaad loo diray madaxda dowladda goboleedyada dalka islamarkaana ay imaanayaan Muqdisho.



“Baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laah Maxamed (Farmaajo) ee ahaa midnimada iyo wadajirka in laga wada shaqeeyo, sidaasi darteed Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxay casuumaad rasmi ah u dirayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, si looga hadlo xiriirka iyo wadashaqeynta.” Ayuu yiri Yariisow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS