09/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Somaliya iyo hay’adaha isgaariisinta caalamka ee Qaramada midoobey oo heshiis kala saxiixdey

Somaliya iyo hay’adaha isgaariisinta caalamka ee qaramada midoobey (ITU) ayaa heshiis kala saxiixdey. Wasiirka isgaarsiinta Somaliya oo ku sugan Arjartiin ayaa heshiiska qalinka ku duugey.

Hay’adan ayaa wadamada fiqiirka ah sida Somaliya ka caawisa isgaarsiinta  casriga ah sida Internetka, iyo dhawaan noocyada isgaarsiinta ee kala duwan.



Heshiiskan ayaa dhigaya in ITU ay Soomaaliya ka caawin doonto dhinacyada ay ka mid yihiin: diyaarinta kaabayaasha iyo sharciyada isgaarsiinta iyo teknoolojiyada (ICT), kor-u-qaadista aqoonta ICT, dhismaha Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, dhismaha Machadka Isgaarsiinta Qaranka iyo in sare loo qaado sidii teknoolojiyada loogu adeegsan lahaa waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada kale, iyadoo tixgelin gaar ah la siinayo qeybaha bulshada ee nugul.



Waxa dhinaca ITU uu u saxiixay Agaasimaha Xafiiska Horumarinta Isgaarsiinta ee ITU, Brahima Sanou.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS