Ciidanka Ciraaq ayaa Kurdida gooni goosadka ee Yuhuudu taageerto ka eryadey Kerkuuk. Yuhuuda ayaa raadinaysa meel dhow oo ay ka weerarto Iraan, waxayna xoog u raacsan tahay Kurdiyiinta gooni goosadka.
Ciraaq oo dabaaldegaya ayaa galay magaalada weyn ee Kirkuuk halkaas oo maleeshiyadii Kurdiyiintu ooda jabiyeen hadana isku bilaabeen inay is cunaan.
Ciraaq ayaa hore u xidhey hawada deegaanada Kurdiyiinta joojisayna diyaaradihii imaan jirey. Afti Yuhuudu raacsan tahay ayay Kurdiyiintu qabsadeen taas oo hadda ku keentay ciriiri siyaasadeed maadaama afar dal ku soo wajahan yihiin.
Madaxweynaha maamul goboleedka Kurdiyiinta ayaa ku eedeeyay xoogaga kale ee Kurdiyiinta inay baneeyeen wadada taasina keentay in ciidanka si fudud ku soo galo magaalada.
Kirkuuk ayaa si xun u haawanaysa qaasatan dhinaca aadka u yar ee Kurdiyiintu degan yihiin. Ciidanka ayaa sidoo kale qabsaday goobaha saliida ee ugu balaaran ee ku yal Kirkuuk ee Kurdiyiintu jaqayeen burburkii Ciraaq.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay