Madaxweyne Farmaajo ayaa dhisaya ciidan cusub. Madaxweynaha ayaa sheegay in la sameynayo Ciidanka Difaaca dadweynaha, qofwalba oo Soomaali ahna looga baahan yahay in qori uu qaato, si argagixisada loo dabargooyo.
Farmaajo ayaa sheegay Barnaamijkan cusub Dowladda in ay ugu tala gashay 14 Milyan, oo lagu bilaabayo, wuxuuna tilmaamay in la sameynayo xarumo lagu xareeyo ilmaha agoonta oo ay ugu horeeyaan kuwii waalididoontooda lagu dilay Qaraxii Zoobe.
“Ciidanka Difaaca waxaa kow ka ah shaqaalaha Soomaaliyeed, shaqaalaha rayidka, idinka shacabka Soomaaliyeed, qof walba waa in uu qeyb ka qaato difaaca dadweynaha, hadaynan is difaacin Shabaab haday soo galayaan.” Ayuu yiri Farmaajo
Wuxuu intaa raaciyay “AMISOM way mahadsan yihiin intii Askariga Afirkanka ah wadadnka u dhimanaya adiga maxaad sameyneysaa, adiga miyaa lagu difaacaa, maya maya anagaa is difaaceyna, Hooyooyinkeen iyo gabdhaheena waa inaan difaacanaa, hala isku diyaariyo difaaca dalka.”
Hadalkan ayuu ka sheegay Madaxweynaha Soomaaliya kadib khudbad uu ka jeediyay Banaanbixii ugu balaarnaa oo maanta ka dhacay magalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonka kubadda Cagta ee Banaadir Stadium.
Hoos ka dhegeyso
ARAABINEWS




Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay