Maamulka Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa ka cadhoodey arin ay ku kaceen ganacsato iyo baaritaan ay bilaabeen ku aadan arintan. Maamulka ayaa sheegay in ganacsatadu cunaqabatayn saareen dadka danyarta ah.
Gudoomiye xigeenka gobolka Sheekh Xuseen Cusmaan ayaa intaa raaciyay inay wadaan sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha sababey iney ganacsatadu diidaan Lacagta Shilin Soomaaliga oo ay haatan ka shaqayso Kunka shilin oo keliya.
Shacabka ku dhaqan Magaalada Baladweyne iyo degaannada ku xeeran ayaa in dhowaalaba ka cabanayay dhibaatooyin la xiriira diidista Lacagta Shilin Soomaaliga.
Waxaanay sheegeen qaar ka mid ah dadka halkaasi ku nool iney dareemeen ciriiri xagga quutul daruuriga maaddaama aysan jirin wax ay wax ku iibsadaan marka laga reebo isticmaalka Doollarka oo aan la wada awoodin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay