Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in dalkiisu rabin dagaal lala galo Iiraan ama Xisbulah. Hadalka madaxweynaha ayaa imanaya ayadoo Sucuudigu raadinayo cid u dagaalanta kadib markii Yaman ku garaacdey gantaal.
Madaxweynaha Masar ayaa sheegay in uu jecelyahay in waxkasta lagu xaliyo si nabada oo dagaal cidna faaiido ugu jirin. Iiraan ayaan biyo u kabanayn Sucuudiga oo dabada ku haya Yuhuuda iyo Maraykanka.
Sucuudiga ayaa isku halaynaya Yuhuuda iyo Maraykanka inay dagaalka la galaan ayadoo diyaaradaha Yuhuudu isticmaalayaan hawada Sucuudiga. Madaxweyne Siisi ayaa sheegay in amniga Khaliijku yahay mid lama taabtaana.
Sucuudiga ayaa burburiyay dalka gfiqiirka ee Yaman kuna soo rogey cunaqabatayn ay Maraykamnka iyo Yuhuudu yihiin kuwa ilaalinaya badda Yaman. Qaramada midoobey ayaa ku baaqay in Sucuudigu qaado cunaqataynta ay saareen Yaman halkaas oo dhimashada caruurt gaartey boqolaal.
Xulafada Sucuudiga, Yuhuuda iyo Maraykanka ayaa isku dayay in ay khadka aduunka ka tirtiraan Siiriya markey hubeeyeen argagixisada Daacish ilaa Ruushku ka soo gaaray.
Madaxweyne Siisi ayaa sheegay in dagaalka lagula jiro argagixisada uu ku filan yahay gobolka loona baahneyn in la abuuro mid kale.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay