November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maxaa looga hadley kulankii golaha wasiirada ee maanta dhacay

Maxaa looga hadley kulankii golaha wasiirada ee maanta dhacay.  Kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa looga hadlay arrimo fara badan oo uu ugu horeeyo amniga, Warbixin la xiriirta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya, Tanzania, Cumaan, Uganda, Suudaan iyo wadamo kale.



Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle wuxuu faray in maanta oo Khamiis la bixiyo lacagtii halka Milyan aheyd oo Dowladdu ay ugu deeqday Musiibadii Soobe.



Golaha Wasiirada ayaa ansixiyay siyaasadda Qaran ee Dhalinayarad oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhalinyarada, iyada oo sidoo kale la ansixiyay siyaasadda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka, waxaana ugu dambeyn Golaha loo qeybiyay Miisaaniyada 2018-ka, oo Wasiirada ay soo aqrin doonaan.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS