November 20, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Yugandha oo u qaadan la in ciidankeedu ka baxayo Somaliya oo warkale soo saartey

Yugandha ayaa u qaadan la in ciidankeedu ka baxayo Somaliya ayaa warkale soo saartey. Brig. Richard Karemire, oo ah Afhayeenka Ciidamada difaaca dalka Uganda oo la hadlaayay Xinhu ayaa sheegay in Uganda iyadoo matalaysa dalalka Pan-Africans-ka ah in ay diyaar u yihiin inay ciidamo u dirto soomaaliya .



“Waxaan mar walbo diyaar u nahay inaan tiro kasto aan u dirno Soomaaliya anagoo dalka ah iyo Pan-Africanis, waxaana u baahan nahay xooggaa taageero ah oo meel walbo nooga timaado” Ayuu yiri Karemire.



Hadalkan ka soo yeeray ciidamada Militaryga Uganda ayaa imaanaya wax kar kadib markii wakiilka gaarka ah ee gudoomiyaha Midowga Afrika u qaabilsan howlgalka AMISOM Francisco Madeira uu Talaadadii ku dhawaaqay in Kun Askari oo ka mid ah 22,000 ee ciidamada AMISOM in dalka Soomaaliya ay ka bixi doonaan 31 bisha December ee sanadkaan.

Yugandha ayaa ka mida dalalka argagixisada ka saaray Muqdisho inkastoo ay lacag badan ku qaateen.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS