12/12/2025

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Argagixiso qaraxyo watey oo lagu qabey Luuq: SAWIRO

Argagixiso qaraxyo watey ayaa lagu qabey Luuq o ka tirsan gobolka Gedo. Argagixisadan ayaa lagu soo bandhigey magaalada iyaga iyo walxihii ay wateen.

Labada nin ee la soo qabtay oo lagu kala magacaabo Cali Cabdi Mursal iyo Maxamed Cabdi Saalax ayaa waxa ay qirteen inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab, hubka lagu soo qabtayna ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan ciidamada ammaanka Degmada Luuq, kadib su’aalo kooban oo la weydiiyay.



Raggaan ayaa waxaa lagu soo qabtay Bambooyin, Taleefoonada yar yar iyo fiilooyin badan oo ay doonayeen inay qaraxyada ku xir xiraan, sida Saxaafadda loogu soo bandhigay Degmada Luuq.

Gudoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Cismaan Xuseen Ganey ayaa Saxaafadda u sheegay in raggan waqti badan ay daba taagnaayeen ugu dambeyna ay u suuragashay inay gacanta ku soo dhigaan.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS