November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Gaari argagixisadu ka soo buuxisay walxaha qarxa oo la qabtey iyo goobta

Gaari argagixisadu ka soo buuxisay walxaha qarxa ayaa la qabtey. Gaarigan oo ka yimi dhinaca shabeelaha hoose ayaa lagu qabtey naxaaxiga Koontarolkii hore ee Afgooye.



Waxaana Ciidamadu gabi ahaan ay xireen Wadada Isku xirta Isgoyska Kontraloolkii hore ee Afgooye iyo Macallin Nuur iyagoo dadka ka celinaaya halkaasi.

Goobjooge ayaa sheegay in Gaariga laga shakiyay uu yahay Spacio, islamarkaana saraakiil ka tirsan Ciidamada dawladdu ay baaritaano ku hayaan Gaarigaasi.



Argagixisada ayaa siyaabo kale duwan u soo gelisa qaraxyada magaalada Muqdisho.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS