Xildhibaanada Somaliya ayaa ansixiyay miisaaniyada dawlada ee uu soo gudbiyay Dr Bayle. Kulankaan ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka1-aad Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Ibraahim Sh.Muudey.
kulanka maanta ayaa Waxaa Soo Xaadiray Xildhibaano Tiradoodu gaareysa 161 mudane.
Xildhibaanada ayaa loo Qeybiyay Ajendayaasha Kulanka maanta oo kala ahaa:
1. Akhrinta 3-aad iyo u codeynta Miisaaniyadda 2018
2. Akhrinta 1-aad Hindise Sharciyeedka Dib-u-eegista Xaqsiinta Ciidamada Qalabka Sida & Hay’adaha Qaab Ciidameedka leh “Sharci Lr.6 31-ka Oktoobar 1969”
Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa waxa ay guda galeen Ajendaha 1-aad, waxayna Cod u qaadeen Miisaaniyadda 2018
waxaana Ogol u codeeyay 162 Mudane, waxaa ka aamusay hal mudane sidoo kale waxaa Diiday hal mudane kale.
Ajendaha kulanka maanta ayaa waxa uu ku furmay 161 iyadoo 3 mudane kale ay kusoo kordheen inta uu kulnka Socday.
Wasiirka Wasaaradda maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo Goob joog ahaa kulanka ayaa u mahad celiyay Xildhibaanada Golaha Shacabka sida ay Ugu codeeyeen Miisaaniyadda 2018.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay