Naftii halige ka tirsan argagixisada Shabaab ayaa isku qarxiyay magaalada Muqdisho waxana soo baxaya faahfaahinta qaraxaas oo ka dhacay barxada jeneraal Kaahiye ee Xamar jajab.
Naftii halige been jano loogu sheegay ayaa soo xirtey jaakad looga soo buuxiyay walxaha qarxa kadibna wuxuu isku qarxiyay barxada dugsiga booliiska ee xaafada Xamar Jajab.
Warar hordhaca ayaa sheegaya in uu jiro qasaaraha lix qof iyo tiro dhaawaca. Jugta qaraxa ayaa laga maqlay magaalada inteeda badan. Waxa goobta markiiba gaaray ciidamo hubeysan.
Dadka badankiisa ayaa qaba in ninkani ay caawiyeen dad ka tirsan xerada oo lacago qatey soona daayay dhiigmiiradka. Argagixisada ayaa isla markiiba ku faraxdey dhiiga subaxa ay ku quraacdeen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay