Qabashadii siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo xalay saqdii dhexe laga qabtey gurigiisa ayaa waxa isa soo taraya wararka ku xeeran oo aad u kala duwan.
Inkastoo ayna dawladu si rasmiya uga hadal weerarka ay xalay qaaday ayaa wararku sheegayaan in weerarkii xalay lagu diley ilaalada siyaasiga ka dhiiban Ingiriiska.
Is rasaasayn xalay dhacday ayaa ciidanka nabadsugidu ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan siyaasiga kadibna jeel u taxaabaan. Siyaasigan oo ku fashilmey musharaxnimada madaxweynaha ayaa eedo aan sal lahayn ku haya dawlada curdinka ah.
Waxana dadku aaminsan yihiin inuu ka mid yahay kuwa la soo siiyay lacagaha si ay u khalkhal geliyaan amniga iyo nolosha ku soo labanaysa Muqdisho.
Siyaasigan ayaa ka dhiiban Ingiriiska waxayna dadku sheegayaan inuu isku halaynayo baasaboor Ingiriiska.
Si kastaba ha ahaatee waxa jawaab laga sugaa waa hay’adaha amniga iyo dawlada inay faahfaahin ka bixiso.
Falalka noocana ayaa muujinaya dawladnimo maadaama ay xireyso dadka ajaanibta ku xiran sida argagixisada iyo waxa la mida.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay