Argagixisada Shabaab ayaa dil foolxun ka gaysatey Baraawe. Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha hoose argagixisada shabaab aya diley nabadoon caana.
Nabadoonka ayaa wararka waxa ay sheegayaan inay gurigiisa ay ugu tageen argagixiso hubeysanrag kadibna ay kala baxeen oo ay ku dileen meel ku dhaw hoygiisa.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka Degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in rag Shabaab ka tirsan ay dileen nabadoonkaasi oo magaciisa la oran jiray Maxamed Aadan oo ku magac dheer (Caamir Muuse).
Ragga dilka gaystay ayuu sheegay inay Magaalada meel ka baxsan ay ka yimaadeen kadibna markii ay dileen Nabadoonkaasi ay carareen.
Raadka ragga dilka gaystay ayuu sheegay inay dabagaleen ciidamada ammaanka oo ay ku rasaaseeyeen duleedka Degmada Baraawe, inkastoo aanan lagu guuleysan soo qabashada raggaasi.
Argagixisada ayaa can ku ah inay danahooda ku fushadaan dil si ay u cabsi geliyaan dadka Muslimka ah ee ay banaysteen dhiigooda iyo maalkooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay