Dawlada Somaliya ayaa war ka soo saartey tirada ciidamada u diiwaangashan iyo hubkooda. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/Raxmaan ayaa sheegay in sahanka ay dowladdu fulisay uu amray RW Xasan Kheyre.
Dawlada Somaliya ayaa diyaarinaysa qorshe dhamaystiran oo argagixisada looga sifeynayo tuulooyinka iyo gobolada Jubooyinka meelaha ay joogaan.
Hogaamiyaha argagixisada shabaab ayaa baxsad ah. Hawlgalkan looga sifeynayo argagixisada ayaa si wadajira loo qaadi doona maadaama uuna Jirin ciidan tayo leh oo Somaliyeed.
Wasiirku waxaa uu sheegay in tirada Ciidamada Dowladda Soomaaliya u diiwaangeshay ay gaarayaan 26,000 (Lix iyo labaatan kun) oo Askari kuwaas oo isugu jira kuwo diyaar ah, kuwo lixaadkoodu dhimanyahay iyo Agoon.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka Somaliya u diiwaangashan ay boqolkiiba 30 yihiin kuwo hubeysan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay