Go’aan diidmo ah ayaa laga soo saaray maxkamadeyntii C/raxmaan C/shakuur oo saaka la hor keenay maxkamada ayado dad badan ay qabeen in la sharciyeenaayo sii deyntiisa.
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Aweys Sheekh C/laahi oo ku dhawaaqay xukunka Maxkamadda ayaa sheegay in wax dambi ah uusan laheyn C/raxmaan C/shakuur, markii horena aanan lagu soo xirin waaran Maxkamadeed.
Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxamed Xasan ayaa dalbaday in kiiskan ay ka qaataan Racfaan, balse go’aankaas Maxkamadda ayaa ka diiday, waxaana ay sheegtay dacwadan in ay soo xirantay oo noqosho dambe aysan laheyn.
Lama garan karo sida kiiskan ku dhamaan doono waxase muuqata in goobta ayna ka jirin maxkamad muuqata. C/raxmaan oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in maxkamada qaybteedii hore dhamaatey ee hadda uu sugayo qaybta labaad.
Wuxuu codsaday in amniga la ilaaliyo xildhibaanaduna sharciga dhowraan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay