04/03/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Muuse Biixi oo sii daayay Dabcasar amreyna in laga saaro Somaliland

Muuse Biixi ayaa sii daayay Dabcasar amreyna in deg deg looga saaro Somaliland. Dabcasar oo ah majaajileyste ka caana baraha bulshada had iyo jeerna toos u soo gala ayaa maamulka Somaliland ka caraysiiyay.



Waxa Muuse Biixi jeelka u taxaabay Axadii la soo dhaafay aasagoo ku eedeeyay in uu magaca Somaliya soo hadal qaadey kadibna askar u dalbey. Odayada uu ka dhashay Dabcasar ayaa la hadlay Muuse Biixi kana codsaday in Hargeysa laga saaro.



Dadka badankiisa ayaa qaba in Dabcasar caan ku noqdey jeelka Muuse Biixi u taxaabay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS