November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Nin kufsi jeel loogu taxaabay oo faysbuug ka furtey

Nin kufsi jeel loogu taxaabay ayaa faysbuug ka furtey. Dhacdadan ayaa ka dhacday dalkaasi Ingiriiska magaalada la yiraa Derby. Nin lagu magacaabo Dhaani ayay dhacdadani ku dhacdey.



Ninkan ayaa maxkamadi ku heshay inuu kufsaday haweenay kadibna lagu xukumay afar sano oo xariga. Afartaas sano oo uu soo dhamaystey.

Haweenayda eedaysay ninkan ayaa booliiska tustey fariimo ay isku dhaafsadeen faysbuug kuwaas oo hal dhinac ahaa muujinaayayna inayna raali ka ahayn galmada.



Kadib baaritaan dheer oo lagu sameeyay fariimo la masaxay oo ay is dhaafsadseen laakiin ku jirey qaybta keydka ee faysbuug ayaa daboolka ka qadey in isaragyadaas oo dhan ay ahaayeen kuwo ay raali ka ahayd.



Haweenayda ayaa xataa lagu helay inay la seexatay ninkaas markey dacwada gudbisay. Ingiriiska ayaa ah wadamada ugu kufsiga aduunka waxana haweenay la kufsadaa saacadiba mar.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS