November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Maamulka Somaliland oo ka hadley digniin kulul oo ka timi dawlada Yaman

Maamulka Somaliland ayaa ka hadley digniin kulul oo ka timi dawlada Yaman. Dawlada Yaman ee ay hogaamiso Xuutiyiinta ayaa hore u sheegtay inayna ka gaban doonin inay weeraraan meelaha cadowgoodu joogo.



Wasiirka Arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan jirin war rasmi ah oo kasoo gaaray dawlada Xuutiyiinta ee Yaman.



Wasiirka ayaa sheegay inay la hadli doonaan dawlada Yaman haddii ay war soo gaarsiiyaan, wuxuuna u muuqdaa mid aan la socon halista ay leedahay garoonka Carabtu ka dhisayaan Berbera si ay uga duulaan dalka fiqiirka ah ee Yaman.



Sacad Cali Shire ayaa sheegay in howlaha iyo mashruuca garoonka diyaaradaha dagaalka ka duulayaan uu hakad ku yimid, balse aan hakadku ka iman dhankooda isla markaana Carabta ay is dhaafsadeen waraaqo.

Maxamed Yuusuf

 ARAABINEWS