Jubbaland ayaa dalbatey in dawlada Somaliya wax ka qabato xadgudubka Kiiniya ay ka wado xadka labada dal. Maamulka ayaa ku fashilmey inuu wax ka qabto wuxuuna dalbanayaa in dawlada soo farogeliso.
Kiiniya ayaa darbiga ay dhisayo gudaha u soo gelisay xuduud beeneedka u dhexeeya labada dal. Arintan ayaa ka careysiisay bulshada ku dhaqan Degmada Baled-Xaawo waxayna maalmihii la soo dhaafay dhigeen bannaanbaxyo rabshado wata, iyagoona gacmaha ula tagey ciidanka Kiiniya.
Kiiniya ayaa kol hore sheegtay in xuduuda labada dal ay ka dhisi doonto darbi kala qaybiya, iyadoona tallaabadaasi ku sheegtay mid ay kaga hortageyso weerarada kaga imaanaya argagixisada Shabaab, balse waxaa muuqata in qorshaheedu uu sidaasi ka fogyahay.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay