Gaarisa–Dabley aan la garanayn ayaa galay xarunta jaamacada Gaarisa ee dalkaasi Kiiniya ahna caasimada Somalida Kiiniya. Wararka hadda soo dhacaya ayaa sheegaya in weerarku bilowdey 5:30 subaxnimo waxayna dableydii dishey ilaaladii jaamacada kadibna waxay u galeen gudaha.
Booliiska iyo Milatariga Kiiniya ayaa hareereeyay jaamacada walina lama garanayo waxa dhici doona waxase labada dhinac iswaydarsanayaan rasaas.
Dagaalka ayaa hadda ka socda gudaha jaamacada iyo laanqayrta cas ay sheegayso in ku dhawaad 30 qof ay ku dhaawacmeen weerarka.
Xilliga warkan aan daabacayno oo ah 08:30 saacada geeska Afrika ayaa wali rasaastu ka socotaa jaamacada dhexdeeda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay